Tuesday, November 6, 2018

Hooyo

Bas ayaan  u raacay xaafadda aan magaaladda hargeysa ka degan ahay xili ku beegan kow iyo tobankii habeenimo. Kursiga garabkayga bidix ah waxa fadhida haweeney da' ah oo hooyo ah kana soo rawaxday kabadh qaad ay ku iibinaysey. Hooyadaasi kursigii ay ku fadhideyey ayay ku ga'maday oo baskii ayaa la dhaafay halkii ay kaga degi lahayd ee gurigeeda u dhowayd. Markii ay in badan dhaaftay gurigeeda beegiisa ayay si naxdin leh u soo baraarugtey waxayna baskii ku tidhi ii joog!! ii joog!! waan dhaafay meeshaydiiye . intii ay sii degaysey ayay tidhi saaka ayaan hooyo goor hore jarmaaday, sidiina waan u soo jeedey halkaa ayaan ku degi lahaa laakiin in badan ayaan soo dhaafnay. Bas kale ayay dib u raacday hooyaddii oo geeya meeshii ay rabtey.
Dumar badan ayaa haya shaqooyin maskax ahaan iyo jidh ahaanba culays ku haya oo aanay jirin cid ay caawimo ka helayaan. Raggii qabey ee ay u dhexeen meel bay jaad ku cunayaan oo maba oga duruufaha qalafsan ee xaasaskoodu la dalaadhacayaan. Hooyooyinkaasi waxay  milicda iyo dhaxanta u taagan yihiin si ay u daboolaan baahiyaha carruurtooda kuwaas oo leh cunto, kiro, waxbarasho , waxay ay huwadaan , wax ay xidhaan iwm.
Ragga waxa masuuliyadi ka saaran tahay sida diinta islaamku cadaysay raadinta quutul daruuriga reerka iyo caawinta xaasaskooda marka ay u baahdaan . waana masuuliyad daro cad nin aan ka war hayn xaaskiisii iyo ciyaalkiisii waxa ay ku sigan yihiin.

Hooyooyinka sidaa u duruufaysan ee dhabarka u ritey masuuliyadaha sidaa u culus ee baaxada leh abaalkoodu cidla ku dhicimaayo oo kuwaa ay ku tabcayaan ayay u aayi doonaan ama aakhiro ayaa eebe abaalmarin doonaa. Qormadan kooban waxa ku soo xidhayaa tuducyadda ugu dambeeya maansada abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ee:
 
Intad hooyooy nooshahay, hanbalyo iyo salaan baan
hanti kaaga dhigayaa  
Hamrashiyo xaqdhowr baan, dusha kaa huwinayaa
Hooyoy dhimashadaaduna, hooggayga weeyoo

Hiyigiyo laabtaan, kugu haynayaayoo
Weligey hoggaagaan, ka dul heesayaa oo

  Hengel baan u xidhayaa, inta haadka duushiyo
Idil habar dugaaggee, ifka hibo ku noolow
aakhiro halkii roon.





Sunday, November 4, 2018

Wadada Ceerigaabo

Ceerigaabo waa caasimmada gobolka baaxada weyn ee sanaag. Guud ahaan gobolka sanaag iyo caasimadiisa ceerigaabo waxay ku jireen go'doon xagga isu socodka ah. Wadada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo maritaankeeda waxay ahayd mid qofka ku socdaalayaa ka wer-wero siiba dadka waa weyn ama xanuunsanaya.
Dawladdo badan oo isaga dambeeyey xukunka dalka Somaliya ayaa sameeyey balan qaadyo badan in ay dhisaan wadada isku xidha ceerigaabo ilaa burco laakiin waxba kama suuragelin ka dib markii caqabado dhanka dhaqaalaha ahi soo wajeheen.
Madaxweyne siilaanyo ayaa xiligii uu ololaha doorashadii 2010 ku jirey ballan qaaday in uu wadadaa dhisi doono , dabadeed isaga oo ka dhabaynaya balanqaadkiisii ayuu bilaabay dhisitaanka wadadaa oo dhererkeedu yahay 370km.
Lacago badan oo laga soo ururiyey jaaliyadaha Somaliland ee aduunka, kuwo laga qaaday ganacsatada, ardayada,shaqaalaha dawladda, ciidamadda iyo lacago ay bixisay dawladda dhexe ayaa lagu bilaabay dhismaha jidkaa dheer oo aan ilaa hadda dhamaan. Waxa iyaggana lacago lagu qoray dadweynaha reer sanaag oo bixiyey xoolo badan ilaa islaan waliba wixii ay haysey guntiga ka soo furtay.
In kasta oo shacbigu ku badhaadhay dhismaha dariiqaa oo ilaa hadda qabyo ah haddana wax badan ayaa oo u baahan dhamaystir. Waxa kale oo wadadani tusaale wax ku ool ah u tahay isku tashigga shacabka iyo dawladda oo intii ay wadamo shisheeye wax ka sugi lahaayeen iyaggu isu xilqaama horumarinta dalkooda.

Hooyo

Bas ayaan  u raacay xaafadda aan magaaladda hargeysa ka degan ahay xili ku beegan kow iyo tobankii habeenimo. Kursiga garabkayga bidix ah w...