Bas ayaan u raacay xaafadda aan magaaladda hargeysa ka degan ahay xili ku beegan kow iyo tobankii habeenimo. Kursiga garabkayga bidix ah waxa fadhida haweeney da' ah oo hooyo ah kana soo rawaxday kabadh qaad ay ku iibinaysey. Hooyadaasi kursigii ay ku fadhideyey ayay ku ga'maday oo baskii ayaa la dhaafay halkii ay kaga degi lahayd ee gurigeeda u dhowayd. Markii ay in badan dhaaftay gurigeeda beegiisa ayay si naxdin leh u soo baraarugtey waxayna baskii ku tidhi ii joog!! ii joog!! waan dhaafay meeshaydiiye . intii ay sii degaysey ayay tidhi saaka ayaan hooyo goor hore jarmaaday, sidiina waan u soo jeedey halkaa ayaan ku degi lahaa laakiin in badan ayaan soo dhaafnay. Bas kale ayay dib u raacday hooyaddii oo geeya meeshii ay rabtey.
Dumar badan ayaa haya shaqooyin maskax ahaan iyo jidh ahaanba culays ku haya oo aanay jirin cid ay caawimo ka helayaan. Raggii qabey ee ay u dhexeen meel bay jaad ku cunayaan oo maba oga duruufaha qalafsan ee xaasaskoodu la dalaadhacayaan. Hooyooyinkaasi waxay milicda iyo dhaxanta u taagan yihiin si ay u daboolaan baahiyaha carruurtooda kuwaas oo leh cunto, kiro, waxbarasho , waxay ay huwadaan , wax ay xidhaan iwm.
Ragga waxa masuuliyadi ka saaran tahay sida diinta islaamku cadaysay raadinta quutul daruuriga reerka iyo caawinta xaasaskooda marka ay u baahdaan . waana masuuliyad daro cad nin aan ka war hayn xaaskiisii iyo ciyaalkiisii waxa ay ku sigan yihiin.
Hooyooyinka sidaa u duruufaysan ee dhabarka u ritey masuuliyadaha sidaa u culus ee baaxada leh abaalkoodu cidla ku dhicimaayo oo kuwaa ay ku tabcayaan ayay u aayi doonaan ama aakhiro ayaa eebe abaalmarin doonaa. Qormadan kooban waxa ku soo xidhayaa tuducyadda ugu dambeeya maansada abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ee:

Intad hooyooy nooshahay, hanbalyo iyo salaan baan
hanti kaaga dhigayaa
Hamrashiyo xaqdhowr baan, dusha kaa huwinayaa
Hooyoy dhimashadaaduna, hooggayga weeyoo
Hiyigiyo laabtaan, kugu haynayaayoo
Weligey hoggaagaan, ka dul heesayaa oo
Hengel baan u xidhayaa, inta haadka duushiyo
Idil habar dugaaggee, ifka hibo ku noolow
aakhiro halkii roon.
No comments:
Post a Comment